Maamulka Gobolka Banaadir oo Shir deg deg ah ka yeeshay saameynta Roobka

0
336

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shir deg-deg ah ka yeeshay xaaladahii ugu dambeeyay ee Roobabkii ka da’ay Caasimadda, taasi oo saameyn ku yeeshay isu-socodka Magaalada iyadoona sidoo kale ay saameyn ku yeesheen dad dan yar ah oo ku dhaqan Muqdisho.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Md. Axmed Xasan Iimaan oo ay wehliyaan Kuxigeenada Howlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada ayaa Warbixin ka dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoona sidoo kale la faray in ay qaadaan Mas’uuliyadda loo igmaday ee Degmada juhdina ku bixiyaan la tacaalida Xaaladaha Deg-dega ee sababeen Roobabka ka da’ay Muqdisho.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in ay gurmad u fidin doonaan dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaaray Roobabkii da’ay iyadoona Ganacsatada iyo dadka kale loogu baaqay in ay is-garab taagaan dadka dan-yarta ee saameeyay Roobabka.

Waxa uu Maamulka Balan-qaaday in ay dadaal dheeri ah iyo isla-xisaabtan dhab ah ay ka sameen doonaan sidii loogu mira dhalin lahaa wax ka qabashada saameynta roobabka, sidii Bilicda Caasimada ay dib ugu soo noqon laheyd shacabkana ay ugu fududaan laheyd isu-socodka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here