Galmudug oo taageero weeydiisatay Mareykanka

0
395

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinayay Wasiirka Qorsheynta maamulkaas ayaa Xarunta  Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxaa ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Xubnaha  ay la lulmeen oo Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho u qaabilsan Barnaamijka Dembi baarista (CIP), xafiiska UNODC iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ay kala hadleen sidii Galmudug loogu tababar lahaa Waaxda dambi barista ee Ciidamada Booliska Galmudug.

” Wasaaradda amniga Galmudug waxay soo dhowayneysaa wada shaqayn dhex Marta Barnaamijka INL iyo xafiiska qaramada midoobay ee UNODC gaar dhinaca tababarka waaxda Dembi Baarista ee ciidamada Booliiska Galmudug oo dhowaan ay wasaaradda amnigu aas’aaseyso ayaa lagu yiri”  War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug.

Galmudug ayaa dhawaan waxaa ay qorsheyneysaa dhismaha Ciidamo Boolis u gaar ah, iyada oo dhawaan ay ansixiyeen Sharciga lagu dhisi lahaa Baarlamaanka Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here