Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Galabta shahaadada musharaxnimo siiyaan musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle & kuxigeenadiisa
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan Macalin ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay lix musharax oo u taagan Guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed oo u tartamayo Jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle .
2: Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya Jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka 2aad Ee Hirshabelle.
3: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Hirshabeelle.
4: Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle .
5: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan oo u tartamaya Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle .
6: Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartameysa Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Dhamaan musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ee la diiwaangeliyay ayaa la filayaa in Maalinta berito ah ay jeediyaan khudbadahooda musharaxnimo halka Arbacada la qabanayo doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle.