Maxay ka wadahadleen Sheekh Shariif iyo Duubabka Dhaqanka ee Hirshabelle

0
501

 

Madaxweynihii hore ee Soomaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada jowhar ee Caasimada Hirshabelle ayaa kulan la qaatay Duubabka Dhaqanka Hirshabelle ee soo xulay xildhibaanada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirshabelleShariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u bandhigay duubabka dhaqanka Hirshabelle in ay ka soo qeybgalaan gogol dib u heshiisneed oo uu dhigayo magaalada Muqdisho.

“Waxaan idinka codsanayaa in dib u heshiin la dhex dhigo beelaha dega Hirshabelle kahor inta aan la galin doorashada Hirshabele.”ayuu yiri SHeekh Shariif Sheek Axmed.
Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay Siihayaha Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyadoo kulankooda uu ahaa mid albaabada u xirnaa.

Shariif Sheekh Axmed ayaa wararku ay sheegayaan inuu doonayo in xilka Madaxweynaha Hirshabelle aysan u tartamin beesha Abgaal loona daayo beesha Xawaadle.

Xubnaha wafdiga la socda Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay Maxamed Ibraahin Xasan”Qoone” oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo hore u sheegay inuu yahay Musharax madaxweynaha Hirshabelle.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here