Ciidamo ka tirsan kuwa Badda Dowlad Goboleedka Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa ay howlgaladan badankood ka sameeyeen wadooyinka laamiga ah iyo kuwa Xaafadaha, iyada oo la arkayah, iyaga oo baaraya Gaadiidka yar yar halka qaarkood ay muraayadaha Madow ay ka fiiqayeen.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid Amniga lagu xaqiijinayay maadaama Boosaaso ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee ka imaanaya dhinaca Puntland.
Intii uu howlgalka socday ayaa Ciidamada Badda Puntland waxaa ay howlgalka ku qab qabteen dad dhalinyaro u badan, kuwaas oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Boosaaso.
Magaalada Boosaaso oo dhowr jeer ay ka dhaceen dilal qorsheysan ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu kormeer Amni ku tago Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar si uu ugu kuurgalo xaalada Amni ee Goobaha loo asteeyay doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee ka imaanaya degaannada Puntland.