Shir looga Hadlay Amniga degaannada Koonfur Galbeed

0
94

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad  goboleedka Koonfur galbeed Amb Dr. Cali Saciid Faqi ayaa Shir Guddoomiyay shirka  todobaad laha ee Amniga DeeganadaMaamulkaas.

Shirka ayaa waxaa  qeyb galey Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ,Guddoomiyaha Maxkamada  Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ,iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo madax kale.

Shirka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybahooda kala duwan, iyaga oo ka warbixiyay xaalada amni ee degaannada Koonfur Galbeed iyo howlgalladii ay fuliyeen Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed.

Sarkaashiisha laamaha Amniga ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay shirka ka sheegeen inay xoojin doonaan  sugida Amaanka Deeganada Koonfur Galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here