Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya in qarax lagula eegtay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Wararku waxaa ay sheegyaan in qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay oo Ciidanka lala beegsaday, waxaana Ciidanku ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa Caasimadda Maamul Goboleedka Galmudug iyo magaalada Guriceel.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid weyn oo meelo fogfog laga maqlay,iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxan. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Birta dheer oo u dhexeeya Dhuusamareeb iyo magaalada Guriceel.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo la xiriirta weerarkan miinada ah,iyadoo aysan jirin illaa iyo cid sheegatay weerarkan.