Madaxweyne ¬_ El-Sisi: Haddii Nabiga la aflagaaddeeyo Xurriyad hadal ma jirto

0
1141

 

Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax El-Sisi ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan mowduucaas, isagoo sheegay in hadal lagu weerarayo Nabiga uusan wax qiil ah lahayn.

“Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo”, ayuu yidhi madaxweyne El-Sisi.

Isagoo ka jawaabaya sawirrada kartoonka ah ee uu wargeyska Charlie Hebdo ku aflagaaddeeyay nabiga NNKH ayuu El-Sisi sheegay in aan loo dul qaadan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh.

Madaxweynaha Masaarida ayaa hoosta ka xariiqay inuu gabi ahaanba kasoo hor jeedo “qalalaase kasta oo loo sameeyo iyadoo lagu difaacayo arrimo diimeed ama astaamo muujinaya caqiido gaar ah.”

Dr Zakir Naik, oo ka mid ah shaksiyaadka ugu caansan bulshada muslimiinta dhexdeeda ayaa talooyin u jeediyay dadka sawirrada ku qeexaya Nabiga NNKH iyo waliba kuwa muslimiinta ah ee ka fal-celinaya labadaba.

“Waxaan leeyahay dadka kartoonka ka sameynaya Nabiga NNKH, maxaad taas baddalkeeda si daacadnimo ku jirto dood ula gali la’dihiin Islaamka?”

“Muslimiinta qalalaasaha ku fal-celinayana waxaan leeyahay, maxaad canbaareynta loo jeedinayo Islaamka uga jawaabi la’dihiin sababo iyo xikmad?”

Madaxda dalalka Islaamka ee sida degdegga ah gaashaanka ugu daruuray hadalkii Mr Macron waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan.

Qoraallo isdaba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku qeexay sida uu uga soo horjeedo hadallada ka dhanka ah muslimiinta iyo aflagaaddada Nabi Muxammad NNKH.

“Dhiirrigalinta uu Madaxweyne Macron siinayo sawirrada kartoonka ah ee lagu aflagaaddeynayo nabiga NNKH iyo diinta Islaamka isagoo aan waxba ka fahansaneyn arrintaas, wuxuu ku weeraray kuna dhibaateeyay dareenka malaayiin muslimiin ah oo ku nool Yurub iyo caalamka intiisa kale”, ayuu soo qoray Ra’iisul Wasaare Khan.

Dhanka kale, shirkadda Twitter-ka ayaa masaxday qoraallo uu soo galiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahatiir Maxamed, kuwaasoo ay ku sheegeen inay “dhiirrigalinayeen qalalaase iyo dil.”

Tallaabada lagu masaxay qoraalka Mahatiir ayaa timid kaddib markii dad badan ay ka dacwoodeen hadallo uu siyaasigaas ku sheegay halkaas oo ku talinayay in dadka Muslimiinta ah ay aargoosi ahaan u dilaan malaayiin qof oo Faransiis ah.

Madaxweynaha Iiran Xasan Rouhani ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida kulul uga jawaabay hadalkii carada abuuray ee kasoo yeeray madaxweyne Macron.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here