Laamaha Ammaanka oo Muqdisho ku soo bandhigay hub & dadkii watay

0
419

 

Howlgal xalay xilli dambe Ciidamada Sirdoonka Caasimadda ee qeybta ka ah NISA ay ka fuliyeen Xaafada Oodweyne oo ka tirsan Degmada Dayniile  ee gobolkan Banaadir ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Xubno ka tirsan  Al-Shabaab iyo Hub kala duwan.

War kasoo baxay Hay’adaha Amniga Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in raga la soo qabtay ay Al-Shabaab u qaabil sanaayeen dilalka iyo weerarada qorsheysan ee ka dhaca Magaalada muqdisho.

“ Ha’yaddaha Amniga Caasimadu ayaa  waxay goor kasta diyaar u yihiin inay ka hor-tagaan, iskuna dhigaan dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda, waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helida xoggaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Warkasoo baxay Hay’adaha Amniga.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro lala beegsado mas’uuliyiin iyo Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana inta badan sheegta mas’uuliyadooda Ururka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here