Maamulka degmada Afgooye & odayaasha Dhaqanka oo ka shiray Guryaha la burburiyay

0
438

 

Guddoomiyaha Maamulka  Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la kulmay Odayaasha Xaafada EMBEGATI ee dhawaan Guryahooda laga burburiyay.

Kulanka Guddoomiyaha Degmada Afgooye ahna duqa magaalada Aweys Cabdullaahi Cumar (Buulalow) iyo Odayaasha Xeefada Embagati oo ka dhacay Xarunta degmada ayaa looga hadlay sidii xal loogu keeno lahaa dadkii maalmahan Guryahooda at burburinta ku socotay.

Ugu Horeyn Guddoomiyaha ayaa odayaasha la wadaagay inuu aad uga xunyahay in dad shacab ah la barakiciyo waxaa uuna sheegay Inuu dib u Dejin loo dameysameynayo.

Sidoo kale gudoomiyaha Ayaa Odayaasha u sheegay inay Guddi sameystaan si Arrintan xal loogu raadiyo.

Dadka Guryaha laga burburiyay ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay, kaddib markii dhulka ay deganaayeen uu sheegtay Wiil uu dhalay Madaxweynihii Madaxweynihii ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here