Wararka ka imanaya dalka Filibiin ayaa sheegaya in Sarkaal taliye ka ahaa saldhig ku yaal magaalada Samar ee waqooyiga dalkaasi uu u dhintey dhaawacyo uu gaarsiiyay diiq ku sugnaa garoon ay ku dagaalamayaal diggaaga. Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Christine Bolok ayaa waxaa dhaawacday mindi af badan oo aalaaba lugta loogu xiro diiqyada dagaallamaya.
Mindida ayaa jartay cajarkiisa bidix, iyadoo goysay halbowle halis ah. Waxaa geeriyooday intii isbitaalka loo sii waday.
Dagaalka diiqa ayaa laga mamnuucay dalka Filibiin inta uu socdo xanuunka safmarka ah.
Kahor inta uusan dillaacin coronavirus, munaasabo gaar ah oo keliya ayaa loo oggolaa in la qabto tartanka diiqa.
Sarkaalka booliiska ahaa ayaa isku dayayay inuu soo xiro dadkii goobjoogga ka ahaa tartanka.
Taliyaha booliska gobolkaas korneel Arnel Apud ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid laga naxo.
“Ma rumeysan karin markii hore ee la ii soo sheegay. Waa markii ugu horreysay 25-ka sano ee aan boolis ahay oo aan sarkaal boolis ku waayo tartanka dagaalka diiqa .” ayuu yiri.
Saddex qof ayaa loo soo xiray qabashada tartankaas, sidoo kale wuxuu boolisku la wareegay toddobo diiq oo tartanka ka qeyb qaatay.
Tartanka dagaalka diiqa ayaa caan ka ah Filibiin, waxaana isugu yimaada dad badan oo sharad ku gala natiijada ka soo baxda dagaalka.