Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad goboleedka Puntland waxaa Maanta gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid.
Wasiir Xuseen oo uu wehliyo Agaasimaha waaxda badbaadada dhirta Soomaaliya Mudane Cabdi maxamed xuseen ayaa intaasi, kaddib waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe, waxaana uu halkaasi kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, isla markaana loo dardar gelin lahaa howlaha socda.
Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa Ayax farabadan oo maalmihii la soo dhaafay dhibaatooyin kala duwan ku haayao degaannada Puntland.