Waxaa goor dhow la shaaciyay liiska xildhibaanada 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle iyadoo ku dhowaaqista xubnahan aysan goobjoog ka ahayn wakiilo ka socda dowlada federalka. Xildhibaanada la shaaciyay ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa 91 xildhibaan waxaana xildhibaanada cusub ay isugu jiraan kuwo cusub iyo kuwo hore uga tirsanaa baarlamaankii hore ee Hirshabelle.
Liiskan ayaa waxa magacyadooda laga waayay xildhibaano caan ahaa oo xilal waaweyn ka soo qabtay golaha wasiirada Hirshabelle.
Guddiga farsamada ee liiskan shaaciyay ayaa waxaa hore uga biyo diiday madaxweyanaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo muddo xileedkiisu uu dhamaaday 17ka bishan isagoo sheegay in uu soo dhamaystirayo guddiga farsamada.
Hase yeeshee waxaa soo xulista xildhibaanadan gacan weyn ku lahaa sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow Siihayaha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.