Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta Yeelanaya Kulan Xasaasi Ah

0
423

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 26/10/2020 waxaa at Xarunta Villa Hargeysa ku leeyihiin mid kamid ah kulamadooda cardigan ah.

Ajanadayaasha Kulanka Maanta ee Golaha Suacabka ayaa waxaa ay kala yihiin Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Adeegyadda Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed,  Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Bixinta Aqoonsiyada Dadweynaha iyo u Codeyta W/B Sharciga Hantidhawraha Guud ee Dawladda.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro kulanka Maanta loogana baahan yahay inay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ku guda jira kal-fadhigii ugu dambeeyay ayaa waxaa horyaala sharciyo dhowr ah, kuwaas oo u baahan in la meel mariyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here