Taliye Xijaar & Maamulka Galmudug oo ka wada hadlay Amniga doorashooyinka

0
417

 

 

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug  Cali Dahir Eid ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashoyinka Soomaaliya Gen Xajaar.

Kulankaan oo ay goobjoog ka ahayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa diirada lagu saray Amniga Doorashada Soomaaliya gaar ahaan mida ka dhacaysa Magaaloyinka Dhusamareeb iyo Galkacyo.

Taliyaha ayaa sheegay in Guddiga Amniga Doorashooyinka Soomaaliya ay sanadkan awooda sarayan in wadanka ay ka dhacdo doorasho lagu wada qanacsan yahay oo so amni ah ku dhacda.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa tibaxay in Galmudug u ka jiro amni la isku halayn karo waxana uu intaasi ku daray in ay Galmudug ay sanadkan ka dhici doonto Doorashada ugu dahfuran islamarkana noqon doonta mid xor iyo xalal ah.

Taliyaha Booliska Soomalia ayaa maalmahan ku sugnan doona Galmudug waxana uu safaro ku kala bixin doona Magaaloyinka dhowr ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here