Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigyada iyo baraha koontaroolada ciidamada Booliiska ah ay ka howlgalaan ee magaalada Dhusamareeb.
Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Hareeriheeda.
Shalay ayaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareb wuxuuna kulamo la qaatay saraakiisha Milarariga ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug, ammaanka magaalada ayaana aad loo adkeeyey maadaama dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.