Soomaliland oo Deegaanadeeda Kamamnuucday Ha’adaha QM

0
375

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhamaan Shaqooyinkii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaannada kala duwan ee Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyay wada-shaqeyntii ka dhaxeysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasaaradda ayaan weli shaacin sababaha tallaabadaaas ay ku qaadeen, hayeeshee ay sheegeen in Go’aankaas uu ka dhaqan galay degaannada Soomaaliland shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020.

Xogaha Lahelayo ee ku aadan go’aanka kasoo baxay Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan inay sabab u tahay heshiis ay dhawaan QM la saxiixatay Dowladda Federaalka, kaas  oo sheegayay in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here