Xiisad u dhaxeysa Mareykanka & Itoobiya oo xoogeysatay

0
437

Dowladda Itoobiya ayaa ka dalbatay Mareykanka inay sharaxaad ka bixiyaan hadal ka soo yeeray madaxwaynaha dalkaas Donold Trump.

Qoraal ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay u yeertay safiirka Mareykanka u fadhiya magaalada Addis Abab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa xafiiskiisa ugu yeeray safiirka Mareykanka ee itobiya Mike Raynor si uu sharaxaad uga bixiyo hadalkii Trump ee ahaa in Masar ay burburin karto biya-xireen ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile.

Mr Gedu ayaa hoosta ka xariiqay inay marin-habaabin tahay wararka sheegaya in biya-xireenka uu hakinayo qulqulka biyaha wabiga Nile.

Bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in madaxwayne Mareykan ah oo xil haya uu huriyo colaad dhexmarta Masar iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa dhanka kale u sheegay safiirka Mareykanka in Itoobiya aysan waligeed ka baqin hanjabaad ka dhan ah madaxbanaanideeda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay sii wadaan wadaxaajoodka ay gar-wadeenak ka yihiin midowga Afrika.

Mar sii horreysay ria’sul wasxaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa ” uusan u dulqaadan doonin daandaansi ama gardaro noocey doonto ha ahaa ” ka dib markii madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Masar ay burburin karto biya-xireenka ay Itoobiya ka dhistay wabiga Nile.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here