Somaliland: Xisbi ka digay in uu Hargeysa tago Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia

0
548

Mas’uuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI  Soomaaliland oo kamid ah Xisbiyada waaweyn ayaa ka digay in degaannada Maamulkaas uu tago  Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADANi Maxamed faarax Cabdi ayaa ka digay in uu ka digayo in si sharc darro ah uu degaannada Soomaaliland ku tago Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya marna soo noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka.

Waxaa uu sheegay xoghaye Maxamed faarax Cabdi, isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa in hal shuruud kaliya uu ku imaan karo Maxamed Cumar Carte Qaalib Magaalada Hargeysa in uu iska casilo Xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya kana tanaasulo midnimada Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in mas’uuliyiin farabadan oo ka tirsan Dowladda Federaaalka Soomaaliya ay waalidiintooda ku geeriyoodeen degaannada Soomaaliland tegin, isla markaana aysan marnaba aqbaleyn in si ehelnimo ah ay Madaxda talada Soomaaliland heeysa ee Kulmiye ay Hargeysa ku keenaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalka Xisbiga WADANI ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay Baraha Bulshada lagu faafinayay in Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib uu iska casilay Xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya si uu u tago Magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsan yahay Aabihiis  Cumar Carte Qaalib.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here