Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta oo Axad ah ka furmay Kal-fadhiga 47aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaana furay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Munaasabadda furitaanka kal-fadhiga 47aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha Baarlaamanka puntland, kuxigeenadiisa, wafdi ka socda Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayay guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed & Madax kale.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kal-fadhiga furay khudbadna ka jeediyay munaasabadda ayaa ka hadlay safari uu degaannada Puntland kusoo maray iyo shirarkii la xiriiray arrimaha doorashooyinka ee ka dhacay muqdisho iyo arrimo kale.
Waxaa uu sheegay Madaxweyen Deni in kormeero uu ku tegay degaano ka tirsan Puntland ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana ay ka jawaabeen baahiyaha ay qabeen dadkaasi,waxaa uu soo hadal qaaday Madaxweyne Deni arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yusuf Jibril ayaa sheegay dhankiisa in kal-fadhiga 46-aad ee Baarlamaanka puntland ee la soo dhaafay ay u qabsoomeen Shaqooyin ay kamid ahaayeen , xasaanad siinta guddoomiyaha Bangiga dhexe, xasaanad siinta Wasiiro iyo Wasiiro kuxigeeno cusub, ansixinta miisaaniyadda 2019 iyo ajandayaal dhowr ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Golayaasha Xeer dejinta Heer Federaal & Heer dowlad Goboleed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal oo degaannada Puntland ay kamid yihiin melaha ay ka dhacayaan.
30-kii Bishii July ee sanadkaan 2020 ayuu ku ekaay kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada Puntland, waxaana Kal-fadhiga 47aad ee Maanta u furmay Baarlamaanka Puntland horyaala Shaqooyin adag.