Maamulka G/Banaadir oo Amar dul-dhigay Maamulada degmooyinka

0
426

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin kusimaha duqa Magaalada muqdisho ahna kuxigeenka dhanka Maamulka & Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan & Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti & Xubno kale ayaa waxaa ay kormeer la xiriira dhinacyada Amniga iyo nadaafada waxaa ay ku tageen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay la kulmeen mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Hodan & Howl-wadaag oo ay korkeerka ku tageen, iyaga oo kala hadlay Arrimo ay kamid yihiin dardar gelinta howlaha Amniga iyo nadaafadda.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in ay farayaan Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir inay u diyaar garoobaan bilic soo celinta iyo nadaafadda Gobolka Banaadir.

Waxaa ay sidoo kale Ganacsatada ku nool gobolka Banaadir ugu baaqday inay ka qeyb qaataan ololaha nadaafadda ee Magaalada muqdisho, isla markaana Maamulka gobolka Banaadir uusan aqbali doonin in Magaalada Muqdisho ay noqoto mid ay ka jirto nadaafad darro.

Wadooyin badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Goobaha Ganacsiga ee qaar ayaa waxaa xilligaan ka jirto nadaafad darro weyn, iyada oo aysan jirin cid xil gaar ah iska saartay waxka qabashada iyo nadiifintooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here