Galmudug oo qabatay Shir looga hadlay Horumarinta Degaanka

0
349

 

 

Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug iyo Maamulka Caasimada Dhuusamareeb ayaa shir looga Hadley arrimaha Degaanka ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad goboledka galmudug

KulanKan ayaa ka dhacay xarunta Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga waxaana lagu lafa guray Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:

1.Isxog wareysi Xaalada guud ee Deegaanka,

  1. Horumarinta Bilicda iyo Nadaafada Caasimada,
  2. Uruurinta iyo Maareynta warbixinada laxiriira Deegaanka,
  3. U diyaar garow xilli roobaadka Deyrta iyo arrimo kale.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Mudane Siciid Siyaad Shirwac ayaa shirka shir  gudoomiyay waxaana goobjoog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaarada, Agaasimaha Wasaarada, gudoomiye ku Xigeenada Maamulka Caasimada, Agaasimaha Faya-dhowrka Degmada iyo Shaqaalaha Wasaarada Deegaanka, Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Dhamaan qodobada laga wada hadlay ayaa laysla meel dhigay waxaana la go’aamiyay joogtaynta shirarka noocaan ah iyo wadashaqeynta

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here