Farmaajo oo isbedal ku sameeyay taliska Ciidanka xoogga

0
526

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbedal ku sameeyay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed gaar ahaan taliye ku xigeenka iyo taliska Ciidanka lugta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ayaa loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka  Taliye kuxigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col Xuseen Xoosh.

Saraakiishaan oo aan la shaacin magacaabistooda ayaa maanta xilalka la wareegay, kadib Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo Taliska Ciidanka xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isbedel joogto ah ku sameeynayay bilihii lasoo dhaafay Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka, waxaana qaar ka mid ah dadka dhalilaa ay sheegeen in shaqadda Ciidanka ay hakiyeen isbadallada joogtada ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here