Sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen goobgoogayaal Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Kurdamac oo ka tirsan degmada Dayniile ku dilay Nin oday ah oo ka mid ah dadka degaanka.
Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Sheekh Muxumad Sandheere.
Dilka ayaa dhacay xili uu Salaada Cishaha uu u weeso qaadanayay kuna sugnaa garaash baabuurta lagu xareeyo uu ku lahaa xaafada Kurdamac.
Kooxda hubeysan ayaa dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa taasoo sababtay in uu ku geeriyoodo isla goobta.
Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Deyniile ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka.