Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta weerar dhanka afka ah ku qaaday dhigiisa faransiiska, Emmanuel Macron, taasi oo ku saabsan siyaasadaha Macron ee ku wajahan Muslimiinta.
Mr Erdogan ayaa sheegay in Mr Macron uu u baahan yahay “baaritaan dhanka Maskaxda ah.
Macron iyo Erdogan ayaa ku muransan xuquuqda biyhaa bariga badda Mediterranean-ka, Liibya, Suuriya iyo murankoodii ugu dambeeyay oo ku saabsan dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyoArmenian.
“Maxaad oran lahayd madaxwayne dal oo malaayiin diin haysata ula dhaqmaya sidan, marka hore baaritaan dhanka maskaxda ah isku soo samee,” waxaa sidaasi magaalada Kayseri ka Yiri Mr Erdogan khudbad laga siidaayay telefishinka dalkaasi.
Soo jeedinta Macron ee ahayd in dalkiisa laga difaaco Muslimiinta xagjirka ah ayaa ka careysiisay dowladda Turkiga.
“Maxaa shakhsiga lagu magacaabo Macron daba dhigay Islaamka iyo Muslimiinta?” ayuu is waydiiyay Mr Erdogan.
“Macron wuxuu u baahan yahay daaweyn dhanka maskaxda ah.” Ayuu intaa ku daray.
Erdogan ayaa dhanka kale saadaaliyay in Macron uusan wax badan ka keeni doonin doorashada madaxwaynanimada Faransiiska ee lagu wado in ay qabsoonto 2022.
“Doorasho ayaa ka dhici doonta Faransiiska waan arki doonaa waxaad ka soo hoyiso, uma maleynayo in uu horey u sii socon doono sababtoo ah waxba uma qaban faransiiska.”ayuu intaa ku daray.