Golaha degaanka degmada Gaalkacyo oo lagu dhawaaqay maalmo ka hor ayaa maanta doortay Gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Gaalkacyo.
Cabdiraxmaan shiiq Xasan ayaa loodoortey duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug halka ku xigeena loo doortey Maxamed Cabdi Cilmi doorasho galabtey ka dhacdey hotelka Five Star ee magaaladaasi.
Labadda xubnood ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday Gaalkacyo ololahooda doorashada, iyadoo Gaalkacyo ay tahay Magaaladii ugu horreysay ee Galmudug ee yeelata gole degaan oo waafaqsan barnaamiyadda dowladdaha hoose.
l