Roob Sababay dhimasho & dhaawac oo ka da’ay Gobolka Galgaduud

0
407

Roob geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka da ay magaalada baxdo oo ka tirsan gobolka galguduud.

Roobka deyrta ayaa maalmahaan ka da’ayay  qeybo ka mid ah gobolka galgaduud waxaana xalay roob xooggan oo ka da’ay magaalada baxdo ee hoos timaada cadaado ku dhinay gabar yar halka ruux kale oo dhawaac kasoo gaaray kadib markii uu hoygii ay ka degenaayeen uu ku dumay.

Ruuxa dhaawaca uu soo gaaray oo ah gabar kale ayaa lagu dabiibaa Cisbitalka magaalada baxdo ee gobolka galguduud sida uu warbaahinta u sheegay mid kamid ah dadkii goobjooga ahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here