Ciidamada Kenya oo siidaayay qaar kamid ah dad ay dhawaan kaxeysteen

0
403

Ciidamada Dowladda Kenya ayaa Maanta waxaa ay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo geeyeen Saddex Ruux oo kamid ahaa 7 Ruux oo dhawaan ay ka kaxeysteen deegaanka Yadoo, oo 30km waqooyi bari kaga beegan Degmada Ceelwaaq.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Ceelwaaq  ayaa Saraakiisha Ciidamada Kenya kala wareegay Saddexda ruux, balse weli ay gacanta Ciidamada Kenya ku maqan yihiin Saddex kale iyo qof ay horay u dileen.

Kulan gaar ah ayaa degmada Ceelwaaq waxaa uu ku dhex-maray Saraakiisha Ciidamada Kenya iyo Odayaasha degmadaas, kaa soo looga hadlayay sidii Ciidamada Kenya ay dhibaatada uga deyn lahaayeen Shacabka ku nool tuulooyin hoostaga degmada Ceelwaaq.

Odayaasha degmada Ceelwaaq ayaa Saraakiisha Ciidamada Kenya waxaa ay ka dalbadeen Magta ama diyada hal ruux oo ay dileen Ciidamada Kenya xilli ay Ciidamada dadkaasi kaxeysanayeen.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo herjeedo Ciidamada Kenya oo dhowr jeer dad Shacab ah ay ka xir xireen degaan ka tirsan Gobolka Gedo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here