Ciidamada Dowladda oo degaano kala wareegay Al-Shabaab

0
149

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ayaa waxaa ay Maanta weerar ku qaadeen deegaanada labi dule iyo sina dhaqo, kuwaas oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaal xogan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada labi dule iyo sina dhaqo, waxaana Saraakiisha howlgalka Ciidamada hoggaamineysay ay sheegeen inay Ciidamada la wareegeen deegaanada labi dule iyo sina dhaqo ee duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad  Janeraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa  sheegay in Ciidamada ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkaas Al-Shabaab, isla markaana ay si wanaagsan u sugayaan Amniga degaannadii ay la wareegeen.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada ay kaag sugan yihiin gobolada Mudug & Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Degaannada labi dule iyo sina dhaqo ayaa waxaa in muddo ah maamulayay Al-Shabaab, waxaana ay noqonayaan deegaannadii Saddexaad oo Ciidamada Dowladda ay kala wareegaan Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here