Maamulka Somaliland oo oggolaaday in xabsiga laga sii daayo Bilaal Bulshaawi

0
494

 

 

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in la sii deynayo nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya oo dhowaan lagu xirey magaalada Hargeysa. Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada ah in la sii daayo Bilaal Bulshaawi, oo caan ka ah barta Tiktok, kaas oo ku xiran magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah dad ka soo qeyb galay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa oo billad sharaf lagu guddoonsiinayay duuliye hore Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo la sheegay inuu diiday in diyaarad uu waday ay duqeyso Hargeysa sanadkii 1988, ayaa ugu baaqay dowladda Somaliland inay sii daayaan wiilkaas.

Wasiirka oo isagana munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aqbalay codsiyada loo soo jeediyay, ayna arrinta wiilkaas tallaabo ka qaadi doonaan.

Qoyska Bilaal Bulshawi ayaa hore waxa ay uga codsadeen Maamulka Somaliland in la sii daayo wiilkooda. Bilaal bulshaawi oo loo yaqaanno madaxweynaha Tiktok ayaa bishii la soo dhaafay lagu xiray Hargeysa.

Booliiska ayaa sheegay in Bilaal loo xiray muuqaal uu iska soo duubay isaga oo shaah ku midabeysan calanka Soomaaliya ku cabaya maqaayad ku taalla Hargeysa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here