Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa Maanta oo Arbaco ah Shir gudoomiyey Shirka Golaha Amniga, kaas oo todobaad walba lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Shirka ayaa waxaaTodobaadkan looga hadlay Xaaladaha Amaan ee kajira degaanada Koonfur Galbeed iyo u diyaar garowga howlgalo lagu furaayo Wadooyinka u go’doonsan Al-Shabaab ee Gobolada, Baay, Bakool & Shabeellaha Hoose.
Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiil ka socotay Dowlada UK oo taageero dhanka Amniga ah siisa Koonfur Galbeed,Amisom iyo Taliyaasha Booliska iyo Mileteriga ayaa lagu go’aamiyay in la qado howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isaag Cali Subag ayaa saraakiisha Ciidamada kala duwan la wadaagay in Amniga degaannada Koonfur Galbeed uu yahay mid wanaagsan, sidoo kalena Ciidamada Dowladda, Ciidamada Koonfur Galbeed & kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo kala duwan.
Degaannada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro qaraxyo ah iyo dagaal dhex-mara Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab,waxaana ugu dambeeyay dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.