Banaanbax Kadhacay Degmada Jalalaqsi Ee Gobalka Hiiraan

0
534

Waxaa Maanta degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo hanaanka loo marayo dhismaha Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dad isugu jiray dhalinyaro, Haween iyo Odayaal dhaqmeedyo ayaa barqanimadii Maanta isugu soo baxay bartamaha Jalalaqsi, iyagoona sheegay inay siweyn uga soo horjeedan qorshaha la doonayo in lagu dhiso Hirshabeelle, xili ololaha Doorashada socdaan.

Qaar kamid ah dadkii dhigayay Banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in la dhiso Hirshabeelle loo dhan yahay, isla markaana Maamulka uu noqday lagu wada qanacsan tahay, lana ilaaliyo awood qeybsiga.

Magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la filayaa in lagu qabto banaanbaxyo kale oo looga soo horjeedo dhismaha cusub ee maamul Goboleedka Hirshabelle oo qorshahu lagu dhisayo Maamulka uu ka socdo Magaalada Jowhar.

Jowhar ayaa waxaa ku sugan qaar kamid ah Odayaasha soo xulada Baarlamaanka labaad ee Maamulka, sidoo kalena waxaa gaaray Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo ka qeyb noqonaya sii loo sii amba qaadi lahaa dhismaha Maamulka Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here