Al-shabaab oo Weerar Kuqaaday Saldhig Ay Lahaayeen AMISOM

0
415

Rag hubeysan oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa xalay fiidnimadii hore ee xalay weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin ee Gobolka Gedo.

Weerarka ayaa sigaar ah uga dhacay Saldhiga Ciidamada AMISOM ee Buurdhuubo, waxaana weerarka kadib la dhacay Israsaaseyn kooban oo dhexmartay Ciidanka ku sugnaa Saldhiga iyo Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo, mana ahan markii ugu horreeyay oo weerarkaas oo kale ah ka dhaco degmadaas, ayna ku qaadeen Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mar qura ay maqleen dhawaqa rasaas ka dhaceysa aaga Saldhiga Ciidamada AMISOM, balse daqiiqado kadib ay xaaladda si caadi ah ku soo laabatay.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ay halkaas ka wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga, kadib markii weerar halkaa uu ka dhacay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here