Taiwan oo Dacwad kusoo oogtay nin amar ku bixiyay in la toogto ‘Burcad badeed soomaali ah’

0
377

 

 

Dacwad oogayaasha ku sugan Taiwan ayaa dacwad kusoo oogay kaptan la sheegay in uu amar ku bixiyay in la toogto rag soomaali ah oo looga shakiyay falal burcad badeenimo ah siddeed sano ka hor.

Wang Fenyu wuxuu kaptan ka ahaa doon kalluumeysi ah oo laga leeyahay Taiwan oo sanadkii 2012 mareysay meel u dhaw xeebaha Soomaaliya.

Ninkan ayaa la xiray bishii Agoosto kaddib markii doonii uu waday ay gaartay dekedda ku taalla Kaohsiung ee Taiwan.

 

Wararka waxay sheegayaan in calooshood u shaqeystayaal u dhashay Pakistaan oo u shaqeynayay kaptanka ay toogteen ragga soomaalida ah ee lagu tuhunsanaa  falal burcad badeednimo ah kaddib amar kasoo baxay kaptanka.

Wang wuxuu ku anddacooday in sababta uu amarka ugu bixiyay in la toogto ay aheyd  cabsi laga qabo inay baxsadaan isla markaana ay goobta timaaddo burcad badeed  kale  si ay u afduubtaan markabka.

Warbaahinta Taiwan ayaa ku warrantay in ninkan lagu soo oogay dacwad ah in uu geystay falal dil ah iyo inuu sitay hub isla markaana uu ku xaadgudbay sharciga adeegsida hubka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here