Puntland oo sheegtay in Ayax farabadan uu dhibaato ku haayo

0
138

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmis Cismaan Karaash ayaa sheegay in amniga guud ee degaannada puntland uu yahay mid aad u wanaagsan, hayeeshee Ayax farabadan uu dhibaato ku haayo degaano ka tirsan Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in Ayaxa uu dhibaato farabadna u geystay Dalagyo farabadan iyo Geedo ku yaallo Gobolada Puntland, isla markaana Wasaaradda Beeraah puntland ay bilaawday sidii loola dagaalami lahaa Ayaxa.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmis Cismaan waxaa uu u mahad celiyay Wasaaradda Beeraaha  & Waraabka Dowladda Soomaaliya &  Hay’adda FOA oo uu sheegay inay dadaal farabadna ku bixiyeen sidii ayaxa loola dagaalami lahaa.

Degaano badan oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartmaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay dhibaato ku hayay Ayax farabadan oo ku habsaday Beero ay ku tacbanaayeen dalagyo farabadan, waxaana jira Maamulada qaar oo degaannadooda ka bilaabay inay buufiyaan Ayaxa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here