Hir-Shabeelle & AMISOM oo ka wada hadlay Amniga doorashooyinka

0
475

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa Magaalada Jwhar kula kulmay Madax ka tirsan Hay’adaha UN-ka u qaabilsan degaannada Hir-Shabeelle & Saraakiil ka tirsan AMISOM & Federaalka.

Wasiirka iyo Taliyaha ciidanka AMISOM ee Sector 5, iyo Saraakiisha ciidanka Hirshabelle iyo Federaalka ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii looga wada qeyb qaadan lahaa sugitaanka Amniga doorashooyinka isxiga ee heer federal & heer dowlad Goboleed oo dhawaan bilaabanaya.

“Waxaan  jowhar kula kulmay madaxa UN-ta uq aabilsan Arimaha Hirshabelle, Taliyaha ciidanka AMISOM ee Sector 5, iyo Saraakiisha ciidanka Hirshabelle iyo Federalka, waxaana kawada hadalnay sidii loo xoojin lahaa amaanka dorashada Hirshabelle ayuu yiri” Wasiir Kheyre.

Kulankaan dhex-maray Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle &  Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Dowladda Soomaaliya ay Magaalada Jowhar geysay Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee  Haramcad, su ay uga qeyb qaataan sugida Amniga doorashooyinka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here