“Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Beledweyne laga bilaabo” Cosoble.

0
457

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo bandhigay walaaca uu ka qabo habka ay ku socdaan howlaha doorashayooyinka Hir-Shabeelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxaa uu ku baaqay in howlaha u diyaar garoowga doorashooyinka Hir-Shabeelle ee ka socda Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle oo kale laga bilaabo Magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sicad ugu baaqay dadka ku nool Gobolka Hiiraan inay dhistaan Maamulka Hir-Shabeelle o u gaara ah, maadaama sida uu sheegay uu arkay in howlo fowdo ah ay ka socdaan Magaalada Jowhar.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehlinayeen Gudoomiyeyaashii hore ee G/Hiiraan Cabdi fitaax Xasan Afrax & Yuusuf dabageed, waxaana dhamaantood ay ku baaqeen in la dedejiyo doorashada Hir-Shabeellle.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle.

“ Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riix riixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here