Liverpool, Real Madrid Mise Barcelona? Heshiiska Kylian Mbappe Oo U Muuqda Mid Lagu Sii Kala Cala-Qaaday & Kooxda Helaysa

0
737

Heshiiska da’yarka weerarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid lagu kala guuleystay xilli ay doonayeen kooxo laga xusi karo Liverpool, Barcelona iyo Real Marid.

Sida ay sheegayaan xogo cusubi, kooxda booska ugu wanaagsan u joogta saxeexa Kylian ayaa ah Real Madrid, madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez ayaa bar-tilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay Mbappe isaga oo dejiyay  qorshihii uu kooxaha kale kaga adkaan lahaa.

Sida lagu sheegay wargeyska Spain kasoo baxa ee AS, Mbappe ayaa doonaya inuu ku biiro Real Madrid si uu ula shaqeeyo mid kamida halyeeyadiisa kubadda cagta oo ah tababare Zinadine Zidane oo uu markii ugu horreysay isaga oo 13 sano jir ah la kulmay. Dhinaca kale macalinka Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la ogsoon yahay inuu la dhacsan yahay hab ciyaareedka Mbappe halka uu ciyaaryahanka qudhiisu qaab wanaagsan uga hadlay Reds mudo kahor.

Barcelona oo aan in badan lala xidhiidhin saxeexiisa ayay macquul tahay inay tartanka Mbappe halka dambe kasoo gasho sababtoo ah murashaxa madaxweyne ee kooxdaas ee Victor Font oo doonaya inuu Camp Nou keeno.

PSG ayaa doonaysa inay sii ceshato 21 sano jirkeeda mustaqbalka weyn leh balse waxa sii badanaysa inay ka tanaasulayaan fursada ay ugu sii hayn karaan Parc des Princes.

Paris ayaa heshiis 136 Milyan oo Pound guud ahaan mudo shan sano ah noqonaya usoo bandhigtay Mbappe balse ma uusan aqbalin.

Mid kamida waxyaabaha kale ee tilmaamaya inuu ka tagayo caasimada France ayaa ah inuu dhaxlay gabadha lagu magacaabo Delphine Verheyden oo ah sharci yaqaanad ciyaaraha ay kuna wanaagsan inay ciyaaryahanada u fududayso inay koox bedeshaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here