Khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Gobolka Hiiraan oo Lashaaciyay

0
386

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Maanta degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo la siku adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kaddib markii Al-Shabaab ay qarax la beegsadeen Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degmada Buulo-Burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen ilaa Afar Askari oo ka tirsan Ciidamada la weeraray halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay Al-Shabaab khasaaro ku gaarsiiyeen, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka Buurweyn  ee Gobolka Hiiraan , halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here