Taliyaha CXD oo Socdaal Kumaraya Deegaano Katirsan G/Gedo

0
520

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo, halkaasi ay ku soo dhaweeyeen Sariisha Ciidanka Qalabka Sida ee gobolkaasi ku sugan iyo Maamulka Gobolka Gedo, kuwaasi oo ay kamid yihiin Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu, Madaxa Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Diini, Taliyaha Ciidamadda Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke Taliyaha Qeybta Booliska  Cabdiqaadir Biixi, Maamulka Degmada Doolow Soomaaliya iyo qaar ka mid ah sarakiisha Ciidankaa NISA ee Degmooyinka Doolow. Luuq iyo Masuuliyiin Kale.

Wafdiga Taliyaha waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta 43-aad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bogmadoow iyo Taliyaha Guutada 12-aad ciidanka xoogga dalka Jeneraal Sanka.

Waxaana Taliye Odawaay uu Xalay isku maray degaanno iyo degmooyink ka tirsan Gobolka Gedo, waxaana Xalay uu ku hoyday xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, isagoo Xalay isku maray magaalooyin badan oo ka tirsan Gobolkaasi Gedo oo ay ka mid tahay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Degmooyin kale.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ku tegay ayaa ahaa sidii uu u kormeerilahaa xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolkaasi, isla markaasna ugu kuurgeli lahaa shaqada adag ee Qaranka ay u hayaan ciidanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here