Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage & Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Galabta waxaa ay gaareen degmada doolow ee Gobolka Gedo, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada doolow kusoo dhaweeyay Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor Cumar Deeq, Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu Madaxa Amniga Iyo Siyaasada Gobolka Diini, Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Bakaal & saraakiil kale.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayaan Wehliya Taliyaha Ciidamada Kumandooska Gorgor Guutada 17aad Gaashaale Dayax Taliyaha Qeybta 43aad Guutada 10aad Ee Gobolka Gedo, Ganaraal Maxamed Cadoow Cali Sanka Iyo Saraakiil Kale ayaa waxaa ay halkaasi kulan kula leeyihiin Saraakiisha Ciidamada & Maamulka degmada Doolow.
Safarkaan deg dega ah ee uu Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ku tegay degmada Doolow ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli Maanta Ciidamo ka tirsan kuwa gorgor ay dowladda Soomaaliya ka dejisay degmadaas, kuwaas oo la sheegay in lagu xoojin doono Ciidamada xaduudka jooga.