Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbland ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Deeqoow Caliyow oo19-sano jir ah,isla markaana magaciisa afgarashada loo yiqiinnay muhaajir.
Eedeysanaha ayaa kamid ahaa 4 nin oo ka danbeyay weerarkii 12 bishii julay ee sanadkii tagay 2019 Hoteel cascaseey ee magaalada kismaayo
Maxkamada ayaa malmahaan ku gudajirtay dhageysiga dacwada loo heeysto Eedeysanaha Deeqoow oo isga oo dhaawac misna dagaalamaya laga soo qabtay Hoteel cascaseey ee magaalada kismaayo.
Bashiir Maxamed Xareed garsooraha 1-ad ee maxakameda ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa ku dhawaaqay xukunka waxa una sheegay in maxakamada ay Xukun dil ah ay ku xukuntay danbiile Deeqoow caliyoow.