Ciidamadda Booliska Belarusia oo loo fasaxay in ay adeegsadaan Hubka Halista ah Dibadbaxayaasha ka soo horjeeda Dowladda Belarusia

0
488

Dowladda Belarusia ayaa Amartay in Ciidamadda Booliska Belarusia loo fasaxay inay adeegsadaan xoog wax dila haddii loo baahdo Dibadbaxayaasha Dowladda ka soo horjeeda.

Tallaabadan ayaa jawaab u ahayd kooxaha xagjirka ah ee rabshadaha ka dhanka ah ee ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha Dalkaasi  Lukashenko, iyadoo haatan sii kordhayaan Dibadbaxyadda looga soo horjeedo Dowladda Belurisia.

Dhinaca kale, Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegeen in ay diyaar u yihiin cunaqabateyn ka dhan ah madaxweyne Alexander Lukashenko.

Dibadbaxyada ayaa hareeyay dalka tan iyo markii Mr Lukashenko uu ku andacooday guushii laga gaadhay ra’yi ururintii bishii Ogosto ee sida weyn loogu arkaayay mid lagu shubtay.

Mas’uuliyiinta Belarusiya waxaa lagu eedeeyay arxan-darro iyo jirdil ay u geysanayaan cabudhinta Dibadbaxayaasha waddooyinka waaweyn ee dhigaya.

Maalintii shaley, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xaqiijisay in Ciidamadda booliisku ay rideen bambooyin naxdin leh iyo sunta dadka ka ilmeysiisa intii lagu guda jiray isu soo bax aan loo fasixin oo ka dhacay caasimadda, Minsk, kaasoo ay ka qaybgaleen tiro badan oo ka mid ah dibadbaxayaasha da’da hawlgabka ah.

Afhayeen ayaa sheegay in talaabo la qaaday kadib markii “muwaadiniintu bilaabeen inay muujiyaan gardarro”. Tiro ka mid ah Dibadbaxayaasha oo aan la xaqiijin ayaa sidoo kale la xiray.

Isagoo tixraacaya Dibadbaxyadii ka dhacay maalintii Axada aheyd, Wasiir ku Xigeenka koowaad ee Aerimaha Gudaha Gennady Kazakevich wuxuu sheegay inay “is abaabuleen oo ay aad u xagjireen”, wuxuuna intaa ku daray inay hada badinayaan isla markaana  diirada saaraan Caasimadda Minsk  oo ay aad ugu faafaayaan.

Halka dibadbaxayaashu ay tuureen dhagxaan iyo dhalooyin galabtii, iyo waliba mindiyo ay sitaan, goor habeennimo ah ayay u dhaqaaqeen inay dhisaan dhufeysyo iyo taayaro gubaan, ayuu yidhi.

Tani shaqo kuma laha Dibadbaxayaasha shacabka. Waxaa naga hor yimid oo keliya gardarro, laakiin waxaa na soo wajahay kooxo xagjiriin ah, xagjir ah, fowdo iyo kubbadda cagta, “ayuu ku yiri hadal fiidiyow ah uu soo dhigay.

Aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda arrimaha gudaha, waxaan leeyahay kama tagayo jidadka waxaanan damaanad qaadi doonnaa sharciga dalka. Shaqaalaha sharci fulinta iyo ciidamada gudaha waxay isticmaali doonaan qalab gaar ah iyo hubka halista ah haddii loo baahdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here