Kooxda Kubadda Cagta ee Dekadaha oo u soo Gudubtay Simifninalka Ka dib markii Riigoorayaal ay ku Reebtay Kooxda Raadsan

0
296

Waxaa Magaaladda Muqdisho ka socda Tartanka Koobka Janaral Daa`uud, Kooxaha kubadda Cagta ee Dekedaha iyo Raadsan ayaa ku wada ciyaaray Garoonka Kubadda Cagta ee Eng-yariisoow kulan ku tirsan wareega Sideed dhamaadka ee Bug Baxda koobka xiisaha badan ee jeneraal daa’uud, kulankooda oo ahaa mid aad u culus oo lagu soo bandhigey ciyaar farsamo ku dheehneeyd.

Wallow qeybtaasi koobaad labada dhinac ay ciyaarayeen kubad ku dhisan xisaabtan oo weerar degan ay sameeynayeen ayaa hadana waxaa labada tababare ay ku adkeesteen ineysan sameeynin wax bedel ah, kama jirin ciyaaryahano dhaawac halis ah uu gaaray, hase yeeshee garsooraha ayaa bixiyey 2 kaarka digniinta oo mid la siiyey daqiiqadii 22-aad Maalik Akuah oo lambarka 8-aad u qaata kooxda Dekedaha, sidoo kale kabtanka kooxda Raadsan  Cabaas Aadan oo lambarka 17-aad xirta ayaa la siiyey karaka Digniinta daqiiqadii 43-aad, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 0-0.

Markii dib loo soo laabtay ayey dhinacyadu isku qaadeen weeraro gaar ahaan kooxda Dekedaha oo dooneysay iney hogaanka qabato, laakiin daafacyada iyo khadka dhexe ee Wiilasha tababare Gadaamoow ayaa diiday, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday waqtigii loogu talo galay gool la’aan ,iyadoo wixii xiligaa ka danbeeyay loo dhigey gool-kulaadyo si loo kala saaro taaso kooxda Dekadaha ay kusoo baxday 4-2 sidaana ku gaartay Nus-dhamaadka Koobka jeneraal Daa’uud.

Ilaa hadda waxaa Semi Finalka taagan saddexda kooxood ee kala ah Horseed, Elman FC iyo Dekadaha Waxaana la sugayaa middood MCC iyo Midnimo oo Galabta ku Ciyaari doona Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisoow.

W/Q Max`ed Xasan Nuur Jillibeey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here