Ciidamada Dowladda oo howlgal culus ka fuliyay Gobalka Shabeellaha Hoose

0
143

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal Al-ka chan ah Ururka Al-Shabaab ka fuliyey tuulooyin hoostaga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa Mid Qorsheysan ayay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen tuulada Nuunaay oo 15 km dhanka galbeed kaga beegan degaanka Bariire

Ciidanka ayaa Howlgalka ku dillay Horjogayaal iyo Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyadoona ciidanka burburiyay Mid ka mid ah Xabsiyada Qarsoon ee Al-shabaab ku leeyihiin tuulada Nuunaay.

Taliyaha Ururka 143aad ee xoogga Dalka dhamme Axmed Xasan siyaad oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in Howlgalka lagu burburiyay Mid ka mid ah Xabsiyada Al-Shabaab ku lahaayeen tuulada Nuunaay we degaanka Bariire.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka ay Ciidamada kusoo furteen dad shacab ah oo Al-Shabaab ku heysteen Xabsi ku yaalla Tuulada Nuunaay.

Taliye Axmed ayaa tilmaamay in Howlgalka lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Xabsiga Al-Shabaab kaasi oo lagu Magacaabo Abuu Cabdullahi Mustaf iyo labo Sarkaal kale oo goobta ku sugnaa.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay inta badan howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo la wareegay tuulooyin dhowr ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here