Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo gaaray Nairobi

0
504

 

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin iyo dad kale, waana lugtii labaad safaro uu ku marayo dalalka deriska iyo dalal kale.

Safarka Xasan Cali Kheyre ee Nairobi ayaa ku soo aaday, iyadoo dalku uu galay xilli doorasho, waxaana dhaq dhaqaaqyada ololaha doorasho uu durba ka bilowday Nairobi iyo UAE oo ay ku sugan yihiin Siyaasiyiin, madax iyo Musharaxiin Madaxweyne.

Waxaa Nairobi ku sugan Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Musharaxiin Madaxweyne, waxaa shalay soo gaaray magaalada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Mr Kheyre ayaa soo maray dalka Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaalada Nairobi ayaa sanadihii la soo dhaafay xarun u aheyd meelaha looga ololeeyo doorashada Madaxweynaha, iyadoo la xusuusto in Madaxweyne Farmaajo uu ka soo ololeeyay, inta uusan xilka Madaxweynaha ku guuleysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here