Ciidamada dowladda & kuwa AMISOM oo ku dhawaaqay howlgal wadajir ah

0
418

 

 

Maamulada Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay kor u qaadista isku dubaridka howlgalada milatari ee wadajirka ah si looga hortago falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada AMISOM  Diomede Ndegeya, taliya Ciidamada Dhulka ee xoogga Abas Amin Ali, iyo saraakiil laba dhinac ah ayaa isku raacay muhiimad ahaan in la dhiso unug isku duwa howlgalada looga horjeedo Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa howlgallada ugu badan waxaa ay ka fuliyaan degaano ka tirsan gobolada Shabeellooyinka iyo Hiiraan, iyaga oo dagaal la gala AlShabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here