Dowlad degaanka Soomaalida oo shaacisay Cudurka uu u Dhintay Marxuum Galeyr

0
405

 

 

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Cali Khaliif Gallaydh Raiisul Wasaarihii hore ee dalka u geeriyooday  Cudurka COVI-19.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka  Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay ka dib baaritaano ay ku sameeyeen in uu haleelay Covid19.

Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Marxuum Cali Khaliif lagu duugayo magaalada Muqdisho oo berri meydkiisa loo qaadayo, halkaas oo dowladda Soomaaliya ay ugu samaynayso Aas-qaran.

Ra’iisul wasaarihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa maanta ku geeriyooday magaaalda Jigjiga ee dalka Ethiopia.

Cali Khaliif Gallaydh oo dhowaan tagay magaalada Jigjiga ayaa la sheegay inuu xanuunsaday Jimcihii lasoo dhaafay kadib markii uu xanuun kusoo booday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here