Ciidamada dowlada oo isaga baxay deegaanka Basra iyo Alshabaab oo dib ula wareegay

0
179

Ciidamada dowlada ayaa isaga baxay deegaanada ka xiga dhinaca galbeed magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe iyadoo dagaalamayaasha Alshabaab ay dib ugu soo laabteen deegaanadaas.

Deegaanada ay ka baxeen ciidamada dowlada ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Basra,Daniga Baalow,Buulo Kuunto,Walamoy iyo qaar kale.

Ciidamada dowlada ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay howlgalo ka wadeen deegaanada dhinaca Galbeed ka xiga degmada Balcad iyadoo mudadii ay halkaasi ku sugnaayeen ay ka qabqabteen dhalinyaro lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Magaalada Balcad ayaa u jirta illaa 30km magaalada Muqdisho caasimada dalka waxaana hore dhowr jeer u soo weeraray dagaalamayaasha Alshabaab,waxayna wararkii u dambeeyay ee ka imanaya degmadaas ay sheegayaan inay jirto cabsi xoog leh oo soo wajahday dadka ku nool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here