Xisbiga Wadajir ayaa walaac ka muujiyay hannaanka maamul dhisidda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana uu ku baaqay in aan lagu degdegin dhismaha Maamulka, ka hor inta aan dib u heshiisiin dhab ah la sameynin.
Sidoo kale Xisbiga ayaa ka digay in Maamul dhisidda Hirshabeelle loo adeegsado daneysi gaaban iyo sadbursi siyaasadeed oo ujeedkeedu yahay in lagu hanto kuraasta Xildhibaanada Hirshabeelle ka soo galaya Baarlamaanka Federaalka.
Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-